Madaxweynaha Wadanka Kenya William Ruto ayaa sheegay in dalkiisa uu sanadkaan muwaadiniinta Afrika ay fiiso la’aan ama dal-ku-gal iyaga oo aan heysan ay soo gali karaan Kenya. Madaxweynaha ayaa arrintaan ka sheegay shir uu uga qeybgalay dalka Congo, kaasoo looga hadlayay ilalada deeganka.
Midowga Afrika (AU) ayaa in muddo ah waday hadafka ah fududaynta socdaalka bilaa fiisaha ah ee Qaaradda dhexdeeda, in kasta oo ay jireen heshiisyo heer Gobol ah iyo qabanqaabo laba geesood ah, horumarka laga gaaray socdaalka aan xadidneyn ayaa muddooyinkaan ka socday Qaaradda Afrika.
Madaxweyne Ruto ayaa fariintaan u diray Madaxda Afrika. “Waxaa la joogaa waqtigii aan ogaan lahayn muhiimadda ay leedahay in aan dhexdeena ka ganacsano oo aan u ogolaano badeecadaha, adeegyada, dadka iyo fikradaha in ay si xor ah ugu gudbaan qaaradda,” ayuu yiri xilli uu ka hadlayay ganacsiga Afrika.




From the comments