Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka, fursadaha iskaashiga iyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan garab-istaagga walaalaha Falastiin iyo joojinta duqeynta ka socota Qasa.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ula fal-galayaan gobolka iyo qaaradda iyadoo ay barbar socdaan dib u dhiska dalka, xoreynta deegaannada iyo xoojinta hay’adaha dowladnimada, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya ay haysato mustaqbal fiican.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey garab-istaagga iyo iskaashiga ka dhaxeeya Boqortooyada Sucuudiga iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in siyaasadda guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aasaas u tahay wada-tashi iyo wax wada-qabsi, uuna rajeynayo in mira-dhalka shirkan uu noqdo kobcinta xiriirka labada dhinac.




From the comments