Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kulan la qaatay Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banadir,waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku aadan safarro dhowaan guddoomiyaha uu ku tagay dalka dibadiisa.
Guddoomiyaha ayaa ugu horeyn waxa uu ka warbixiyay safar shaqo oo uu dhawaan ku tagay dalka Turkiya iyo kulan uu la yeeshah Duqa Magaalada Ankara, kaasi oo ay labada dhinac isla meel dhigeen xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo fulinta heshiisyada mataaneyn ee Ankara iyo Muqdisho.
Shirka ayaa loogu hadlay xal u helida Musiibooyinka ka dhashay roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Magaalada Muqdisho, maareynta goobaha ay biyo dhigeen, u-gar gaarida shacabka ay waxyeelada kasoo gaareen iyo soo celinta Bilicda Caasimadda, iyadoona loo mahadceliyay guddiga heer Gobol ee la fal-gelida xaaladaha El-Nino oo iyagu shaqooyin muhiim ah qabtay una taagan samatabixinta Bulshada.




From the comments