Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalayay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika ayaa ka warbixiyey xaaladda Soomaaliya gaar ahaan, fursadaha iskaashiga iyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan garab-istaagga Bulshada reer Falastiin ee duqeyntu ku socoto.
Madaxweyne Xasan ayaa si gaar ah u dul istaagay xiriirka qotadadheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalka Sucuudiga iyo ahmiyadda sii xoojintiisa, waxaa uu tilmamay madaxweynuhu in Soomalaiya ay ka jiraan fursado dhaqaale wadaag ah, gaar ahaan dhinaca dhaqaalka xoolaha ee loo iibgeeyo wadamada carbeed,beeraha iyo kaluunka.
“Soomaaliya waxaa ay u furan tahay ganacsiga iyo maalgashiga, kheyraadka Soomaaliya aad ayuu u badan yahay, warshadeynta nuucyadeeda kale duwan lagama faa’ideysan, laga bilaabo hadda waxaan rumeysanahy inaan hormuud u noqon karno caalamka dhanka Beeraha, kheyraadka iyo Xoolaha”




From the comments