Wafdi uu hogaaminayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayna qayb ay ka ahaayeen heerarka kala duwan ee dowladda iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle iyo Madaxda Hay’addaha ka shaqeeya Arimaha Gargaarka oo maanta Baydhabo gaaray.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasis Laftagareen oo soo dhowaeeyay ahaa la wadaagay mas’uuliyiintan dhibaatooyinka ka dhashay Fatahaadaha ka dhacay Degmooyin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Dadaalada socda ee ugurmashada Dadka Saameynta ku yeeshay daadadka El-Niño.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Madaxda Hay’addaha ee Wafdiga ku wehlinayey ayaa sheegey in socdaalkooda ay tahay sidii Gargaar loo gaarsiin lahaa Dadka Fatahaadaha saameyeen ee ku nool guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed,.





















From the comments