U bood dhigaalka

Burundi: Madaxweyne Xasan oo Dhiggiisa Ndayishimiye Kala Hadlaya Ladagaalanka Shabaab, EAC iyo Arrimo kale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo maanta ku gaaray dalka Burundi ayaa madaxweynaha dalkaasi mudane Évariste Ndayishimiye kala hadlay xiriirka labada dal, gulufka ka dhanka ah Shabaab, howlgalka ATMIS, EAC iyo arrimo kale.

Labada Madaxweyne oo isku arkay aqalka madaxtooyada ayaa Madaxweyne Xasan waxaa uu marka hore uga mahadceliyay dhiggiisa Burundi iyo shacabka dalkaasi sida ay uga qeyb qaateen qaran dhiska Soomaaliiya, waxaa uu sidoo kale kala hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo abaabulka dagaalka ka dhanka Al-Shabaab maadaama dalka Burundi uu safka hore kaga jiro dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATMIS oo la oran jiray AMISOM.

Madaxweynaha Burundi oo haatan ah guddoomiyaha dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa laga dalbaday oo kale sidii loo dedejin lahaa dhameystirka galka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ku biirista dalladdan oo fursad u noqonaysa ganacsiga, isu-socodka iyo arrimo kale.

Dowladda Burundi oo ka tirsan dalalka bariga Afrika ayaa qeyb weyn ka ah ATMIS iyo bahda bulshada Bariga Afrika (EAC).