Israa’iil ayaa sheegtay in ay ogolaan doonto in laba baabuur oo shidaal ah ay maalintii galaan marinka Gaza kadib cadaadis kaga yimid dhanka Maraykanka, Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in ku dhawaad 140,000 oo litir oo shidaal ah la ogolaan doono labadii maalmoodba mar.
Shidaalkan ayaa inta badan waxaa loogu talagalay gawaarida xamuulka qaada ee gargaarka, iyo sidoo kale in lagu taageero UN-ta dhanka biyaha iyo nadaafadda, ayuu yiri sarkaalku, halka Inta soo hartay uu yahay mid loogu tala galay taleefoonada gacanta iyo Internet-ka oo shiidaal la’aan darteed u go’ay.
Go’aanka ah in shidaalka la ogolaado ayaa ka dambeysay kadib markii dhowaan madaxa Qaxootiga Qaramada Midoobay ee Falastiin Tomas White uu sheegay in ay joojinayaan gargaarka haddii aysan u helin shidaal gawaaridu isticmaalaan muddo 48 saacadood gudahood ah, waxaana lagu soo waramayaa in shidaalkii ugu horeeyay oo shalay oo Jimco ah ka gudbay marinka Rafax ee xadka dalka Masar.




From the comments