Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda ayaa gaaray magaalada London dalka Ingiriiska, halkaas oo ay kaga qeyb-galyaan wafdiga Jamhuuriyaddu, shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalalka xubnaha ka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kala hadalayay mudooyinkii dambe sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ee saran Soomaaliya dhowr iyo 30 sano, kadib markii dalku uu burbur galay oo dowladnimadii duntay 1991-kii.
Madaxweyne Xasan ayaa dhanka kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda kasoo qeyb gasha shirka, kuwaas uu kala hadli doono xoojinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay caalamka iyo fursadaha maalgashi ee ka furan, tasiduu hore u yiri madaxweynaha “Soomaali heshiis ah dunidane heshiis la ah”.




From the comments