Goobjoog

Baarlamaanka Koonfur Afrika oo u Dalbaday Xirista Saafaradda Israel iyo Joojinta Xiriirka Diplomacy

Baarlamaanka Afrika ayaa u codeeyay mooshin lagu dalbanayo in la xiro safaaradda Israa’iil ee Pretoria iyo in la hakiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa labada dal

Baarlamaanka Koonfur Afrika oo u Dalbaday Xirista Saafaradda Israel iyo Joojinta Xiriirka Diplomacy
South African President Jacob Zuma (C) answers questions arising from the debate on his State of the Nation Address (SONA) last week, on February 19, 2015 at the parliament in Cape Town. The SONA, which took place on February 12, 2015 was disrupted when one of the opposition parties, the Economic Freedom Fighters(EFF) were manhandled out of the opening session of the South African parliament, after they were asked to leave, and refused. AFP PHOTO/ RODGER BOSCH (Photo credit should read RODGER BOSCH/AFP via Getty Images)

Baarlamaanka Afrika ayaa u codeeyay mooshin lagu dalbanayo in la xiro safaaradda Israa’iil ee Pretoria iyo in la hakiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa labada dal ee ka dhalatay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Gaza, oo lagu tilmamay xasuuq lagu hayo Falastiin.

Qaraarkaan ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in loo gudbiyo golaha wasiirrada dalkaasi, uu hoggaamiyo madaxweyne Cyril Ramaphosa, waxaana ay u muuqataa in ay ku raacidoonaan qaraarka kazoo baxay Baarlamaanka dalka, xilli uu madaxweynuhu ka qeybgalay bannaanbax, isagoo aad uweeraray Israel.

Tallaabadan ayaa waxaa soo bandhigay xisbiga mucaaradka ah ee garabka bidix ee (EFF) ee Economic Freedom Fighters, isaga oo taageero xooggan ka helay xisbiga talada haya ee (ANC) African National Congress, 248 mudane ayaa ogolaaday , halka ay 91 kalena ay diideen, kuwaas oo diiday tallaabadaan.

Xubnaha kasoo horjeestay ayaa ka tirsan xisbiga dhexe, ee caddaanka ah, kaas oo aqlabiyadddaa laga wareegay xilligii dalkaas laga diiday mibad-kalasooca, Koonfur Afrika waa markii labaad oo dibadbaxyo ay kadhacaan lagu dalbanayo joojinta dagaalka lagu hayo magalada Gaza.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments