Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Cilmi Baarista Amniga RUSI ee magaalada London uga qeybgalay kulan uu uga hadlay duullaanka Dowlada Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-shabaab, aragtidiisa fog ee ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya iyo arrimo kale.
Madaxweyne Xasan ahaa faahfaahiyay marxaladaha uu soo maray dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta iyo caqabadaha iyo horumarka laga sameeeyay isagoo tilmaamay in markii ugu horeysay ay dowladdu dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo Al-shabaab taas oo ay saldhig u tahay in la qaado dagaal seddex jiho ah: dagaal militari, dagaal dhaqaale Iyo mid fikir oo lagu baabi’inayo fikirka guracan ee Khawaarijta.
Dhanka kale, waxaa uu Madaxweynaha dulmaray horumarka laga sameeeyay howlgalada dalka looga saarayo ayaa tilmaamay in kabadan 80 deegaan oo ay dalka ka maamulayeen lagu guuleystay in laga saaro oo maanta xor yahiin ka yihiin sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna si qotadheer u dul istaagay ahmiyadda dhaqaale iyo horumar ee ay dalka u leeyihiin deegaannada laga xoreeyay Al-shabaab oo uu tilmaamay in ay yihiin dhulka ku haboon tacbashada iyo kor u qaadidda wax soo saarka dalka.











From the comments