Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, amniga iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.
Golaha ayaa warbixin ku saabsan saameynta ka dhalatay roobabka daadadka wata, waxa ay ka dhageysteen Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo soo bandhigay in ku dhawaad laba malyuun oo qof ay saameeyeen roobabka iyo daadadka ka da’aya dalka. Iyada oo inta la xaqiijiyey ay ku geeriyoodeen roobabka daadadka wata ee El-nino muwaadiniin gaaraya 96.
Xukuumadda JFS ayaa dadaal ugu jirta gurmadka dadka ay saameeyeen dadaadadku, waxa ayna ugu baaqeen hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la caawiyo dadka ay saameeyeen roobabku.




From the comments