Safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya mudane Fei Shengchao ayaa maanta ku wareejiyay guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallim Cabdulle lacag dhan 139,318.45 doolar oo bilaw u ah deeqo kala duwan oo dowladda Shiinaha ku garab istaagayso shacabka Soomaliyeed ee fataahaduhu saameyeen.
Safiirka oo hadal kooban kajeediyay munaasabadda ayaa sheegay in Dowladda Shiinaha ay mar walba garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed ee xaladdaan adag ku jira isagoo sheegay in gargaar iyo taakula kalana ay dhawaan bilaabi doonaan, sidoo kalana ay ka qayb qadan doonto dhismaha kaabayasha ku bur buray roobabka iyo dhismaha biya xireenna.
Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo khudbad kooban ka jeeday munaasabadda la wareegidda lacagta ayaa u mahadceliyay shacabka, dowladda iyo safiirka China u qaabilsan Soomaaliya isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya iyo dowladda China uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah oo aysan aheyn markii ugu horreysay.




From the comments