Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ballaarinaya latashiyada ku aaddan xaqiijinta hiigsiyada Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay qeybaha bulshada rayidka sida; dhallinyarada, aqoonyahanka iyo hormuud kale.
Madaxweyne Xasan ayaa uga warbixiyey qeybaha uu la kulmay arrimaha uu muudnaanta siinayo, kuwaas oo ay ugu horreyso xoojinta fursadaha shaqada, kobcinta dakhliga, yareeynta saboolnimada,
Ciribtirka Al-shabaab ,dhammeystirka dastuurka iyo xaqiijinta hiigsiga Soomaali heshiis ah, isagoo ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xoojinta dowladnimada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u dul istaagay fursadaha ugu jira dhallinyarada Soomaaliyeed ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, waxa uuna ka rajeeyey in ay si mug leh uga dhex muuqan doonaan Dalladan, maadaama dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku tilmaaman yihiin hal-abuur, firfircooni iyo adkaysi.




From the comments