Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim bin Hamad Aala Taani ayaa warqadaha aqoonsiga ee Danjirennimada ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Qatar Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee dalka Qatar u magacaabay Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), Safiirka ayaa xilkan waxaa uu u adeegayay qaranka isaga oo ahaa Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya.
Mudane Doodoshe ayaa lagu wadaa inuu ka shaqeeyo horumarinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan ee dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed.




From the comments