Xubanaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta markale ku kulmaya xarunta golaha shacabka,si ay usii wadaan doodaha la xiriira miisaaniyadda iyo jadwalka kale.
Kulanka ayaa dhacaya kadib markii sabtida oo kulankooda ku dhamaaday buuq iyo fowdo oo xubnaha qaar ee golaha shacabka ayaa ka biyo-diiday ajandihii uu soo gudbiyay guddoonka golaha, kaas oo ahaa meel marinta xisaabxirka miisaaniyadii 2022 iyo iyo akhriska koowaad in la marsiiyo qoondadada miisaaniyadda 2024, taas oo keentay in shirka uu hareeyo isqabqabsi.
Mudanayaasha qaar ayaa ku doodaya in la kala saaro labada ajende oo la qaato waqtiyo kale duwan, buuqa ugu weyn ee hareeyay ayaa sidoo kale ahaa inuusan jirin xeer hoosaad ka dhaxeeya labada gole oo ay ku wadashaqeyn karaan, marka laga reebo kulamo qaar ah.




From the comments