Magaalada Djibouti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jibouti waxaa kusii qulqulaya madaxda ka tiran dalalka urur-goboleedka IGAD oo halkaas uu ka furmayo meertadiisa 41-aad oo madaxdu isugu imaanayaan, loogana hadlayo arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda gobolka.
Shirkaan ayaa waxaa dalalku ay siweyn uga doodayaan samaeynta isbedelka cimilada ay ku yeelatay gobolka, dhaqaalaha iyo arrimaha amniga, waxaa kale oo lagu gorfeyn doonaa wixii kasoo baxay shirkii isbedelka Cimilada Adduunka ee COP-28 ee Dubai kusoo gabgaboobay.
Shirka madaxeedka IGAD ayaa kusoo aadaya xilli dadlalka dhaca gobolka intooda badan ay si isku mid ah u wajahayaan saameynta ka dhalatay duufaanta El-nino iyo isbedelka Cimilada ee isbiirsaday, iyadoo Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ay ku dhufteen daadad ka dhashay roobka.




From the comments