Soomaaliya ayaa soo gaartay marxaladda go’aan gaarista ee IMF iyo World Bank iyada oo la filayo in maanta oo talaado ah ay sidaasi saxiixi doonaan guddiga sare ee bangiga Adduunka halka tallaabo taasi la mid ah ay Arbacada qaadi doonto hey’adda lacagta adduunka, laguna dhawaaqi doono gaarista heerkaasi.
Tallaabadan ayaa ka dhigan in la cafiyay deymihii weynaa ee qaranka culeyska u ahaa 30-kii sano ee lasoo dhaafay, iyada oo hoos u dhigi doonta saamiga deynta lagu leeyahay ee GDP wax ka yar 6%, waana tallaabo taariikhi ah oo u ogolaaneysa inay dib ugu biirto nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah ka dib ku dhawaad 30 sano.
Tallaabada xigta waa in ay Soomaaliya hesho gargaar iyada oo la hoosgeyn doono nidaamka HIPC oo wax ku helaan dalalka degmaha la ciirciiraya.




From the comments