Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalla Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan mirofhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ee magaalada Washington, ku simaha Xoghayaha Difaaca dalkaas Marwo Victoria Nuland.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, kor u qaadista taageerada Mareykanka ee dib u habaynta hay’adaha amniga Soomaaliya iyo ka jawaabidda xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhashay isbaddalka cimilada.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID) Danjire Samantha Power ayaa la wadaagay saamaynta taaban ee ka dhalatay Roobka Dayrta ee sida xad dhaafka ah uga da’ay dalka oo sababay Fatahaado.




From the comments