Munaasabad maanta ka dhacday Entebbe ee dalka Uganda ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku saxiixay heshiiska ku biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo dhowaan ay xubin buuxda ka noqotay dowladda federalka.
Madaxweynaha oo jeediyay hadal kooban ayaa tilmamaay muhiimadda ay u leedahay Soomaaliya daladda bariga Afrika ” “Muhiimadda juqraafiyeed ee Soomaaliya waxay sare u qaadi doontaa muhiimadda Dallada Bulshada Bariga afrika ee caalamka.”
Madaxweyne Xasan ayaa sixiixay heshiiskaan xilli uu garab fadhiyeen hoggaamiyaha dalladda bulshada afrika ahna hoggaamiyaha dalka Burundi, Ndayishimiye iyo hoggaamiyaha dalka Tanzania haweenayda lagu magacaabo Samia Suluhu, madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay.




From the comments