Markab ganacsi oo uu ka babanayay calanka Malta, ayaa lagusoo waramayaa inay afduubteen burcad badeedda Soomaalida, sida ay sheegeen ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeedda Soomaalida, kuwaas oo ka howlgala xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas.
Haddii si rasmi ah la xaqiijiyo, wuxuu noqonayaa af-duubkii ugu horreeyay ee Markab ganacsi oo ay qabsadaan burcad-badeedda Soomaalida tan iyo sannadkii 2017-kii, markaas oo wixii ka dambeeyay ciidanka Midowga Yurub ay sheegeen in hoos loo dhigay afduubka Maraakiibta.
Xarunta hawlgalada wadajirka ah ee EUNAVFOR ee Spain ayaa sheegtay inay heshay digniin ku saabsan markab ay weerareen burcad-badeedda, oo lagu magacaabo Ruen, kaas oo marayay meel qiyaastii 500 mayl-badeed bari ka xiga Jasiiradda Soqodra ee Soomaaliya.




From the comments