Xilli ciidanka howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATMIS muddo 16 sano kadib ay dowladdu bilowday ay kala wareegto amniga goobaha hey’adaha dowladda ayaa la shaaciyay xilliga dowladdu ay ciidanka ATMIS sibuuxda ugala wareegeyso amniga Garooonka iyo Dekadda.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ka qeybgalayay kulan ka dhacayay X Twitter Space ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay gacana amniga kula wareegayso gacana ay ku wado dhismaha lagu sameynayo ciidanka.
“Goob walba oo ciidanka ATMIS ay banaynaayaan waa muhiim, waxaa lagu qiimaynayaa waxa amni ahaan kasoo noqon karo, sida xaaladeeda noqonayo iyo sida aan ugu filanahay, waxaan u jeedaa in Airoport-ka iyo Dekadda isha lagu hayo, meesha ugu dambeyso oo laga bixi doono ayey noqon doonaan” ayuu yiri.




From the comments