Deyn cafintii kadib, tallaabo lagu taageerayo dowladnimada Soomaaliya, hey’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ansixisay hannaan cusub oo taageero maaliyadeed ah kaas oo socon doona 3 sano, laguna siinayo Soomaaliya ilaa $100 milyan.
Ansixintan ayaa daba socota gaarista Barta Dhamaystirka ee barnaamijka deyn ka-cafinta dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay (HIPC).
Soomaaliya ayaa horumar ka samaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo maaliyadda, haddana waxaa weli taagan caqabado ay ka mid yihiin; khataraha dhaqaale, bulsho, amni, iyo isbedalka cimilada, kuwaas oo siweyn dowladdu ugu diyaargarooweyso in wax looga qabto,
Barnaamijka cusub ayaa ujeedadiisu tahay in wax laga qabto caqabadahan, iyadoo la taageerayo istaraatiijiyadaha dib-u-habeynta ee lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka marxaladda deyn cafinta ka dib.




From the comments