Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal culus oo u dhexeeyey Ciidanka xoogga dalka, xoogagga deegaanka iyo daraawiishta Galmudug oo iskaashanaya kaas oo maalintii labaad ka socda deegaanka Jeexjeexo oo hoostaga magaalada Caad ee Koonfurta Mudug.
Dagaalka oo qarxay shalay ayaa soo gaaray habeenimadii xalay, ciidanka dowladda ayaa ku dhowaanaya in ay gacanta ku dhigaan magaalada Caad oo marin muhiim u ah gobolka isku socodkiisa, waxaana sidoo kale jirtay duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Mudug.
Ciidanka xoogga dalka ayaa dagaal culus ku qaadeen goobo ay isku aruuursanayeen xoogag ka tirsan Al-shabaab waxaana la burburiyey xarumihii , ciidamada ayaa hadda dhinacyada ka fadhiya Magaalada Caad halkaas oo qorshuhu yahay in ciidanku ay gudaha u galaan maanta.




From the comments