Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug oo taageero ka helaya xoogagga deegaanka ayaa siiwada howlgallada ay ka wadaan Koonfurta gobolka Mudug, waxaana maalintii 3-aad galay howlgalka ciidanku ay ku doonayaan in ay kula wareegaan magaalada Caad ee gobolka.
Dagaalka ayaa wali ka socda aagga deegaanka Jeexjeexa, ciidamada ayaa hormar ka sameeyay dagaalka socda, waxaana ay ku guuleysteen in ay la wareegaan goobo dhowr ah oo lagu wada dagaalamay, kuwaas oo difaacyo u ahaa Al-shabaab mudadii ay ku sugnaayeen magaalada.
Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka General Dayax Cabdi Cabdulle oo ayaa sheegay 80-tan in ka badan Al-shabaab lagu dilay laguna dhaawacay dagaalka socday labadii maalin ee laga soo gudbay, waxaana uu tilmaamay in ay la wareegeen inta badan dhulkii lgu dagaalamay.




From the comments