Magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa maanta gaaray wufuud ay kala hoggaaminayaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Muuuse Biixi Cabdi, wufuudda madaxda ayaa waxaa qeyb ka ah wasiirro iyo xubno kale duwan.
Ujeedada safarka Madaxda Soomalaiya iyo Somaliland ayaa ah in halkaa laga sii ambaqaadi lahaa wada hadalladii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Somaliland oo ku bilaami doona heer Madaxweyneyaal, kadib muddo uu hakad ku jiray, madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa martigelinaya wadahadlkooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wafdiga uu horkacayo ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga ee DFS Mudane Jibriil Cabdirashiid iyo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga Gaarka ah ee wadahadalada DFS iyo Somaliland.




From the comments