Dowladda Turkiga ayaa meel cad ka istaagtay qadiyadda muranka badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana ay sheegtay in ay garab taagan tahay jamhuuriyadda federalka Soomaaliya tallaabo kasta ay ku difaacanayso madaxbannaanideeda iyo gobobannimadeeda, kadib heshiiskii isafgarad ee Addis Ababa.
Dowladda Turkiga ayaa ku biirtay dowladaha ururrada sida gaargaarka ah uga hadlay taageeradana ugu muujiyay dowladda Soomaaliya, xilli ay kamid tahay dowladaha Soomaaliya ka taageera tabarikaciidanka iyo dib u dhiskooda, xilli dhowaan Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka bishii December 2023.
Madaxweyne Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan ayaa uga mahadceliyey mowqifka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladdu Turkigu ay ka muujiyeen faro-gelinta iyo xadgudubka Itoobiya.




From the comments