Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa kulamo ku saabsan xoojinta amniga iyo xoreynta dalka kula qaatay qeybaha kala duwan ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo hogaanka Ciidanka Dıfaaca Dadweynaha ee Macawisleey.
Madaxweynaha ayaa Warbixin ka dhageystay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Saraakiisha hoggaaminaya qeybaha kala duwan ee Talisyada Ciidamada oo guullo waxtar leh ka soo hooyay howlgalada dalka looga saarayo Al-shabaab, xilli howlgallo ballaaran ay ka socdaan gobollada dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr Xasan Sheekh ayaa sidoo kale, la kulmay u Qaabilsanaha Arrimaha Ciidanka Dıfaaca Dadweynaha ee Macawisleey Mudane Cali Jeyte, waxaa uuna kala hadlay sidii loo mideyn lahaa howlgalada Ciidamada Xoogga dalka iyo Ciidamada Difaaca Dadweynaha, si loo dardargelin dagaalka dalka looga ciribtirayo Al shabaab.




From the comments