Gudoomiyaha Baarlamaanka Turkiga Nicmaan Kurtulmuş oo ka hadlay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegay in Turkigu difaacayo Xuduudaha Soomaaliya, haddii ay Soomaaliya ka codsato iskaashi amni, waxaana hadalka guddoomiyaha uu kusoo aadayaa xilli ay taagan tahay xiisad u dhaxeysa Ethopia iyo Soomaaliya oo ku aadan muranka Badda.
Dowladda Turgiga hoggaamiyaheeda ayaa hore sheegay in ay qaadayaan tallaabo walba ay dowladda Soomaaliya kaga caawinayaan in ay ku diifaacto baddeeda, kadib heshiiskii 1 bisha u dhaxeeyay Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi oo lagu kala saxiixday 20km oo badda ah in laga kireeyay dowladda Ethopia.
“Somalia garab ayaan ku siinaynaa inay ku filaato amaanka Xuduudkeeda,Hadayse naga codsato Soomaalia inaan u ilaalino oo u sugno amaanka Badda,diyaar ayaan u nahay, intay ku filaanayso amaanka xuduudkeeda,iyadoo sharci iyo heshiis loo marayo” ayuu yiri Guddoomiye Nicmaan .




From the comments