Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xildhibaan Fawsiya Yusuf Xaaji Aadan u soo xulatay musharraxa Soomaaliya ee tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Xildhibaan Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya loo sharaxay tartanka Gudoomiyaha guddiga midowga Africa ee sannadaha 2025 illaa 2028.
“Iyadoo laga duulayo qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee xoojinta doorka aan ku leennahay Ururada Caalamiga iyo kuwa Gobolka, ayaa waxaa Xildhibaan Fawzia Yusuf Haji Adam, ay ku matali doontaa dowladda Soomaaliya tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) ee Sanadaha 2025-2028.” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaliya.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyo Ra’isul Wasaare ku xigeen hore, Fawsiya Xaaji Aadan oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, aheyd gabadha kaliya ee ka qeybgashay doorashadii ugu dambeysay madaxweynaha Soomaaliya, waxa sidoo kale Xildhibaan Fowziya lagu xasuustaa doorkii ay ku laheyd soo celinta badda Soomaaliya xilligii ay jirtay muranka dowladda Kenya waday.




From the comments