Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa ku bogaadiyey dalalka iyo guddoonka Jaamacadda Carabta mowqifka ay ku taageereen midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Masar kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Sisi ayaa ka mahadceliyay go’aanka guddoonka iyo dalalka Ururka Jaamacadda ay kaga hor yimaadeen damaca gurracan ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya, kuna taageereen midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Madaxweyna Xasan Sheekh iyo xoghayaha Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa dhanka kale iska xog wareystay amniga iyo istaraatijiyada badda Cas ee marinka muhiimka ah ee Baab al-Mandeb iyo xaaladda geeska Afrika, iyaga oo dul istaagay cawaaqib xumada ka dhalaneysa tallabooyinka qar iska tuurka ah ee maamulka Addis Ababa ay ku faragaliyeen midnimda dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.




From the comments