Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo rasmi ah kujooga Masar ayaa booqday xarunta Al-Azhar Al Shariif ee Magaalada Qaahira isaga oo la kulmay Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo ah Imaamka Al-Azhar, iyagoo ka wada hadlay ahmiyadda dagaalka fikirka ee ka dhan ah Al-shabaab.
Madaxweynaha oo ayaa sheegay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in lasii xoojiyo hirgelinta macaahid diini ah iyo xarummo lagu wajaho fikirka xagjirnimada ayaa ku marti-qaaday Sheekh Axmed Al Tayib in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya si uu u soo arko horumka iyo miro-dhalka dowladnimada Soomaaliya.
Dhankiisa, Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada ayaa aqbalay casuumadda, waxa uuna si adag u cambaareeyey Faragelinta ay dowladda Itoobiya ku sameysay Madax bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib heshiiskii Is-afgaradka.




From the comments