Dhaqdhaqaaqa Qoomiyadda Amxaarada ee dalka Itoobiya oo kamid ah kuwa ugu ballaaran ee kunool dalkaasi ayaa ka hor yimid damaca xumuumadda Abiy Axmed ku doonayo qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya, heshiiskii uu la galay Somaliland la galay kadi bee 1-da bishaan dhacay.
Qaar ka mid ah shacabka Amxaarada oo ka hadlay heshiiska dhexmaray Rai’sulwasaaraha Itoobiya Abii Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa adkeeyay in is-afgarad ku sheegaasi uu ahaa mid qar iska tuurnimo ah oo aan laga fiirsan.
Waxaa ay sheegeen shacabka Amxaarada Itoobiya in shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taaganyihiin iney difaacdaan midnimada iyo Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, waxaana ay diginin u direen Qoomiyadda Oromada oo hadda haya talada Itoobiya.




From the comments