Dowladda Findland ayaa Suldaan Saciid Axmed u magacowday Ergayga gaarka ah ee arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta geeska Africa, kadib war rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Finland.
Mudane Suldaan Saciid Axmed ayaa horay u soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Finland iyo ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibedda Finland u qaabbilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta geeska Afrika.
Suldaan oo asal ahaan ka soo jeeda geeska Afrika ayaa isagoo kaashanaya aqoontiisa duruqsan ee uu u leeyahay dhaqanka iyo qaab-dhismeedka bulshooyinka gobolka horay u kasbaday kalsoonida hoggaanka siyaasadda, diinta, dhaqanka iyo dhallinyarada bulshada gobolka, isagoo sare u qaaday xiriirka togan ee u dhexeeya dalalka dhaca geeska Afrika iyo dowladda Finland.




From the comments