Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland, madaxweynaha ayaa kasoo kicitimay dalka Qatar uu joogay.
Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Dowladda Federaalka iyo kuwa Puntland iyo dadweyne farabadan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Garoowe uga qeyb-galaya caleemasaarka Madaxweyne Siciid Deni oo manta dhacaysa magaalada Garoowe.











From the comments