Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga waxaa maanta ka furmaya shir-madaxeedka 28-aad ee madaxda Afrika iyo dowladda Taliyaaniya, xilli ay gaareen qaar kamid ah madaxda dalalka Afrika iyo Yurub, kuwaas oo ka qeyb gali doona shir-madaxeed ka dhacaya dalkaas oo ay marti galinayso dowladda Talyaaniga.
In ka badan 50 wafuud oo u badan kuwa ka socda dalalka Afrika iyo sidoo kale madaxda Midowga Yurub iyo wakiilo ka socda hay’ado caalami ah ayaa soo gaaray caasimadda Talyaaniga si ay uga qeyb galaan munaasabadda furitaan oo lagu wado iney furto ra’iisulwasaaraha dalkaasi Taliyaaniga Giorgia Meloni.
Ajandaha shir madaxeedka ayaa quseeya dhinacyada kala duwan ee iskaashiga, sida sugnaanta cuntada, dhaqanka, waxbarashada, tababarka xirfadaha, amniga tamarta, horumarinta dhaqaalaha, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo sidoo kale dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga tahriibinta dadka iyo argagixisada.




From the comments