Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayaa kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalka Comoros, Azali Assoumani ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika.
Labada madaxweyne ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha gobolka, sare u qaadidda danaha labada dhinac iyo xoojinta dedaallada iskaashi, si Qaaradda Afrika ay u gaarto mustaqbalka leh horumar iyo barwaaqo, iyagoo ku sugan magaalada Roma.
Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla qaatay in ay lama huraan tahay dhowridda madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika, si looga mira dhaliyo hiigsigsa iyo horumarka Qaaradda.




From the comments