Madaxweynaha Jamhuiriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Roma kaga qeybgalaya madasha Afrika iyo Taliyaaniga ayaa kulamo kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi mudane Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Giorgia Melon.
Madaxweynaha ayaa maadaxda Taliyaaniga kala hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, xilli dowladda Taliyaaniga ay ka mid tahay saaxiibada sidhow u taageera dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeybgalay madasha Roma, waxaana intii uu ku sugnaa Taliyaaniga waxa uu la kulamay mas’uuliyiin kale duwan, waxaana iinta badan uu kala hadlay xaaladda gobolka iyo sidii wax looga qaban lahaa xiisada kasoo cusboonaaday.




From the comments