Waxaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan isbitaalka Dogfeer ku geeriyootay haweeney Xaamilo ah, oo lagu magacaabo Luul Sheekh Cabdicasiis, taas oo sababaatay seygeeda oo gubay.
Siid Cali Macallin Daa’uud oo ahaa seygeeda Luul ayaa gubay, naftana dhaafiyay iyada oo cunugga ay uurka ku waddday.
Inkasta oo aan weli la xaqiijin karin sababta ku kaliftay hadana wararka ayaa sheegaya inuu qol inta ku xiray uu basiin ku bilbilay dibadeedna uu gubay xaaskiisa.
Dilaaga ayaa la sheegay inuu isaga baxsaday goobta uu dilka ku geystay oo aheyd degmada Dharkeenley, xilli qoyska marxuumadda oo dhowaan warbaahinta horyimid ay dalbadeen in cadaalad ay hesho hooyo Luul oo nafta la dhaafiyay iyadoo waliba xaamilo aheyd, taas oo bulshada fajiciso ku noqotay deriska ah.




From the comments