Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa guddoomiyay kulan gaar ah oo ka dhacay xaruunta hay’adda, kaas oo ay kasoo qeyb galeen dhammaan madaxda ganacsatada dalka oo ay ugu horreeyaan Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdikariin Cali Gabeyre iyo Guddoomiyaha Midowga Bankiyada dalka iyada oo looga hadlay arrimo la xiriira gargaarka.
Ujeeddada shirka ayaa ahayd furidda sanduuq dhaqaale loogu aruurinayo gargaarka deg-degga ah, si looga hor tago daadad ka dhasha roobabka Guga kuwaas oo sababi kara qasaaro kala duwan, xilli dalka uu wali kasoo kabanayo dhibaatadii ka dhalatay musiibadii El-Nino, taas oo raadadkeeda ilaa iyo hadda laga dareemayo deegaannada Hirsabeelle Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Dhinacyadu waxa ay isku raaceen muhiimadda uu xilligaan leeyahay furidda sanduuqan, halka la go’aamiyay in Percentage gaar ah Hay’adda SoDMA looga qoodeeyo lacagaha ka soo xarooda badeecadaha dalka ka baxa iyo kuwa soo gala, in sakada oo dhan lagu shubo sanduuqa si xaaladaha bani’aadannimo wax looga qabto, in ladhiso guddi maamula hantida kusoo dhacda sanduuqaas iyo in SoDMA maamusho shaqada guddiga oo ganacsatada iyo Hay’adda ay wada qabanayaan.




From the comments