Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada 14 Octobar iyo kuwa NISA oo is kaashanaya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay tuulooyinka hoos taga degmada Marka ee gobolka Shabeelaha hoose.
Howlgalka ayaa intiisa badan ka dhacay waddada dheer ee isku xerta Marka iyo degmada Afgooye iyo tuulooyinka ku teedsan dhinaca Xeebta, waxaana ciidanku ay ku burburiyeen xarumo ay ku sugnaayeen Al-shabaab oo fariisimo ahaa.
Taliyaha NISA kabtan Maxamed sheekh iyo guddoomiyha degmada Marka Cismaan Muuse Maxamed oo howlglkaan oo si wadajir u hoggaaminyay ayaa ciidamada iyo saraakiisha ku dhiiragliyay shaqada adag ay u hayaan qarankooda.




From the comments