Kadib dhacdadii Xerada Gordon ee lagu dilay saraakiisha Imaaraadka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ayaa tacsi ugu tagay Safaraadda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho isaga oo sidoo kale kulan is-xogwareysi la qaatay Danjire dalkaasi u fadhiya Muqdisho Axmed Jumca Al-rumeysi.
Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay ahmiyadda xiriirka soojireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobicinta dhaqaalaha, kadib weerarkii ka dhacay xerada General Golden.
Weerarka lagu qaaday xerada General Golden ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 4 saraakiil ka tirasan dowladda Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn, kuwaas oo tabar siinayay ciidamada Soomaalida, waxaa sidoo kale waxyeello soo gaartay saraakiil kale oo kale duwan.




From the comments