Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Cumar Cali “Balcad” iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka qayb galka shirar heerkoodu sarreeyo u jooga dalka Ethiopia, ayaa si buuxda uga qayb galay shir looga arrinsanayey guulaha laga gaaray hawlgalka geba-gebada ah ee ATMIS, kaasi oo uu soo qaban-qaabiyay Golaha Amniga iyo Nabad-gelyada Midowga Africa.
Wasiirka waxaa shirka ku wehelinayey Danjiraha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, la taliyaha amniga ee Ra’iisal Wasaaraha XFS mudane Kamaal Guutaale, Xoghayaha koowaad ee Ssafaaradda JFS ee Addis Ababa u qaabilsan Midowga Africa mudane Shaafici Nuur Calas iyo sidoo kale diplomaasiyiin ka tirsan safaaradda iyo mas’uuliyiin kala duwan oo kamid ahaa wafdiga wasiirka.
Shirka waxaa sidoo kale goob joog ahaa dhamaan dalalka taageera horumarka iyo xasilinta Soomaaliya, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub iyo sidoo kale khuburada Dawladda Soomaaliya kala shaqaynaysa meelmarinta iyo dhamaystirka hawl-galka ATMIS oo sanadkan 2024 si rasmi ah loo soo geba-gebayn doono.




From the comments