Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Addis Ababa ku qaabilay safiirrada ku jira dalalka Jaamacadda Carabta ee u fadhiya dalka Itoobiya isaga oo kala hadlay xaaladda gobolka iyo guuda ahaan xaaladda Soomaaliya xilligaan.
Madaxweynaha ayaa safiirrada uu la kulmay uga mahadceliyay garab istaagga dhabta ah ay u muujiyeen Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo xilligan dadaal ugu jirta in ay ku guuleysato kursiga looga arrimiyo golaha nabadgalyada ee Qaramada Midoobey, maadama ay kali u sharaxan tahay xilligaan.
Kulankan ayaa waxaa madaxweynaha kala qeyb galay xubno ka tirsan wafdigiisa, waxaana ka qeyb ahaa Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo xubno kale oo madaxweynaha qeyb kala ah safarkiisa Itoobiya.




From the comments