Waxa maanta ka ka furmay magaalada Muqdisho kulan ay isku yimaadeen Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir. Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka Maaliyadda Dalka iyo mideynta canshuur dalka.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo si rasmi ah shirka u furay, ayaa sheegay in uu muhiim yahay shirkaan ay isagu yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo heer Dwlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir. Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in inta shirkaan uu socdo ay dooddooda diiradda ku saari doonaan arrimaha mudnaanta u leh Horumarinta Dhaqaalaha dalka, mideyn hannaanka canshuuraha, hannaanka sii xoojin kadib barnbarnaamijka Deyn laga cafiyay Soomaaliya ee loo yaqaano HIPC.
Shirkaan Wasiirada Maaliyadda dowladda Federaalka,dowlad Goboleedyada iyp Gobolka Banaadir ayaa looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Bangiga adduunka uu ka taageero guud ahaan Soomaaliya iyo wadaaga Kheyraadka.




From the comments