Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin oo casuumaad Rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Qatar Sareeye Guud Salem Bin Hamad Al Aqeel Al Nabit, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Qatar.
Labada Taliye ayaa kulan ay yeesheen kaga wada hadlay arimaha saldhiga u ah xariirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada Dowladood, Soomaliya iyo Qatar iyo iskaashiga dhanka ammaanka, xilli Qatar ay ka mid tahay dalalka xiriirka la leh.
Waxaa si weyn labada Taliye ay uga hadleen sidii loo xoojin lahaa Taageerada Ciidamada XDS oo dhinac kasta leh, Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo in sare loo qaado Deeqaha waxbarasho ee la siiyo Saraakiisha Ciidamada Milateriga Soomaaliya.




From the comments