U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada XF oo Ansixiyay Heshiis Difaac oo Soomaaliya iyo Turkiga ah, Difaaca Badda ayaa qeyb ka ah

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey Heshiis ku saabsan difaaca iyo dhaqaalaha oo ay wada galeen labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Shirka golaha wasiirada oo uu guddoomiyey Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa goluhu ku ansixiyey heshiiskaas oo uu dhawaan dowladda Soomaaliyeed u saxiixay Wasiirka Difaaca dalku.

Heshiiskan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladda Turkiga dhowaan ay sheegtay in Soomaaliya ay ka taageeri doonto dib u dhiska ciidanka cirka iyo badda ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa sheegay in ciidamada Badda dalkaas ay todobaadyadaan soo gaarayaan Badaha Soomaaliya si ay u caawiyaan ciidanka dowladda federalka.

Heshiiskaan ayaa waxaa ku jira in dowladda Turkiga ay Soomaaliya ka iibiso maraakiib iyo toomaha dheereeya ay ciidanku ay isticmaalaan si loogu qalabeeyo ciidanka badda Soomalaiya.


Heshiiskaan ayaa waxaa dhowaan la horgeyn doonaa Baarlamaanka labadiisa gole si ay u meel mariyaan Turkiga ayaa Soomaaliya siyaabo kale duwan u taageera marka la eego dhanka difaaca.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in arrinta heshiiskan uu kala hadlo Baarlamaanka, kuna soo hadalqaado khudbadiisa, xilli RW Xamse uu ku tilmamaay heshiis taariikhi ah.