Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sixiixay heshiiska Difaaca iyo dhaqaalaha baddda ee dowladda federalka ay la gashay dowladda Turkiga, kaas oo soo maray golaha wasiirrada iyo baaralamaanka labadiisa aqal oo ay shalay soo meel mariyeen heshiiska, heshiiskaan ayaa waxweyn ka taraya xeebaha badda ee eebeylahda ah ee Soomaaliya xilligaan la joogo.
“Waxaan saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixiyay, kaasi oo qayb ka ah dadaalada aan ku bixinayno dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya” ayu uku yiri qoraal lagu soo daabacay Villa Soomaaliya sixiixa heshiiska kadib.
Heshiiskani oo mudadiisu tahay 10 sano waa mid taageeraya hurumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada iyo ka hor taga wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya, waxa uuna Soomaaliya gaarsiin doonaa in ay dhisato Ciidan Badeed oo ku filnaada difaaca baddeenna.




From the comments