Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u farriisatay dhageysiga garmaqalka 2-aad ee gal dacwadeed ciqaabta namabarkiisu yahay 147/2024 kaas oo eedeysane ka yahay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan dilka Xaaskiisa Luul Cabdicasiis.
Fadhigga Maxkamadda ee maanta ayaa waxaa uu ku saabsanaa dhameystirka qodobka 114 ee cadeymaha xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka iyo qodobka 116 ee difaaca qareenada.
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa marqaati ahaan Maxkamadda u hor keenay 5 xubnood, iyadoo Maxkamadda, qareenada iyo xafiiska Xeer-ilaaliyaha ay wax ka weydiiyeen sida ay dhacdadu u dhacday.




From the comments