Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu rajaynayo in xabbad joojin laga sameeyo dagaalka Israa’iil ee Qaza Isniinta soo socota, iyadoo wada xaajoodyada lagu joojinayo colaadda iyo sidii loo sii deyn lahaa maxaabiista ay u muuqdeen kuwo xawli ku socda, marka laga anboqaado waxa socda.
Hadalada Biden ee uu ka jeediyay New York isniintii ayaa yimid iyadoo warbaahinta Israel ay soo warisay in wafdi sare oo quburo Milatari ah ay gaareen Isra’el” Rajadaydu waxay tahay Isniinta soo socota waxaan yeelan doonnaa xabbad joojin.” Ayuu yiri Biden xilli uu saxafiyiinta kula hadlayay magaalada New York.
Dhexdhexaadinta dalalka Masar, Qatar iyo Maraykanka ayaa lagu doonayaa in lagu xaqiijiyo in muddo lix toddobaad ah la hakiyo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas si loogu oggolaado gargaarka Gaza, halkaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in ilaa 2.3 milyan oo qof ay qarka u saaran yihiin macaluul.




From the comments