Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyay Meertada 6aad ee Shirka Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada Adduunka oo ka furmay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay sida isbeddelka cimiladu uu u saameeyey Adduunka, khatarta uu ku leeyahay nolasha shucuubta iyo caqabadaha gaarka ah ee ka soo gaaray shacabka Soomaaliyeed.
“Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka saameynta ugu badan ay ka soo gaartay isbeddelku cimiladu. Dhawaan waxaan ka soo baxnay abaar na haysatay muddo 4 sano ah oo xiriir ah, hadda waxaa dalka dhan laga dareemayaa heer kulayl aan horey loo arki jirin, dhammaan arrimahan waxaa sababay isbeddelka cimilada”.











From the comments